Ururka Daacish oo sheegtay mas’uuliyada weerarkii xalay ka dhacay Paris {DAAWO SAWIRADA}

0
218

WUrurka IS ama Daacish ee ka taliya qeybo ka mid ah dalka Ciraq iyo Siiriya ayaa sheegtaymas’uuliyadii weerarkii iyo ismiidaamintii xalay dadka badan ay ku dhinteen ee magaalada Paris dalka Faransiiska.

Ururka Daacisha ayaa ku tilmaamay weerarka lagu qaaday caasimada Faransiiska ee Paris  inay yihiin aargoosiga weerarada lagu hayo dhulka uu ka taliyao.Sidoo kale ururka Daacish ayaa sheegtay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday magaalada Beirut ee dalka Lubnaan halkaas oo afartan ruux dad gaaraya ay ku dhinteen.

Dadka waxyeelada ka soo gaartay weerarka lagu qaaday tiyaatar ku yaal magaalada Paris iyo garoonka kubbada cagta ee Paris ayaa tirada daka ku dhintey waxa ay gaarayaan 150 ruux halka labo boqol oo kalana ku dhaawacmeen.

Madaxweyne Hollande ayaa weerarkaasi ku eedeeyey ururka ISIS, isagoo ballan qaday in gacanta lagu soo dhigi doono dadkii weerarradasi fuliyey.Madaxweyne Hollande ayaa amray in la xiro dhammaan xuduudaha dalka Faransiiska.

paris-qaraxyo (14)paris-qaraxyo (13)paris-qaraxyo (12)paris-qaraxyo (7)paris-qaraxyo (2)paris-qaraxyo (3)paris-qaraxyo (4)paris-qaraxyo (5)