US Oo Raadineysa Hogaamiyaha Alshabaab

0
204

Lacagahaan la duul dhigay madaxda al.shabaab waxaa ka mid ah lix milyan oo dollar oo loo ballan qaaday qofkii sheega meesha uu ku sugan yahay hogaamiyaha kooxda al.shabaab ee abu Cubeyda.

Kumannaan qof ayaa la sheegaa in ay ku dhinteen weerarada kooxda Alshabaab ay ka fulisay kudaha Soomaaliya.

Sidoo kale dad badan ayaa ku dhintay weeraro ay ka fuliyeen dalalka Kenya iyo Ugandha oo ciidamo ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Lixdan xubin ee la doondoonaayo waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weeraro uu ka mid yahay kii jaamacadda Garisa ee bishii April.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxa ay sheegeysaa in raggan ay ka dambeeyaan bixinta dhaqaalaha, shaqaaleysiinta iyo tababaridda xubnaha kooxda al.shabaab ku jiira.

Horey dowlada mareeynkanka waxaa lacago dul dhigtay rag ka Tirsan kooxda al.shabaab