Waa-waan wali ka socota Magaalada Gaalkacyo Iyo Cabsi Dagaalka Oo Wali Tagan

0
317

Nabadoon Axmed Cumar oo ka mid ah Waxgaradka Gobolka Mudug gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Galmudug ayaa sheegay in si Habsami leh ay u socoto Waa-waan u dhexeeyasa Puntland iyo Galmudug islamarkaana la doonayo in lagu soo Afjaro Colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah Gobolka Mudug.

Nabadoonka ayaa sheegay in markasta ay kulmaan Odayaal iyo Ganacsato ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug islamarkaana looga hadlayo Kulamadaasi sidii loo sii wadi lahaa Wada hadalada.

Odayaasha  Labada Dhinac ayaa ku heshiiyay in Xabada Lajoojiyo Ciidamada Labada dhinac ka soo kala jeedana la kala qaado,iyadoo Xabad Joojintii ay dhaqan gashay,balse aysan jirin wax Ciidamo ah oo la kala qaaday.

Balse ilaa hadda Waxgaradka labada Dhinac waxaa ay wadaan Waa-waan iyo Dadaallo Xal intaa ka badan lagu raadinayo si looga gaashaanto Dagaal mar kale dhaca