Wadanka Ruushka Oo Ka Mamnuucay Diyaaradahiisa Dalka Masar

0
226

Ruushka ayaa amray dhammaan duulimaadyadii ay ku tegayeen dalka Masar diyaaradaheeda kadib markii uu soo baxay wararka sheegaya in diyaarad ku burburtay magaalada Sharma El-Sheikh ay sababteedu ahayd bam.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa warkan sheegay kadib markii baarayaal ka socda dalka UK ay sheegeen inay aaminsan yihiin in bam lagu qariyay kahor intaysan diyaarada duulin waxana ku dhintey burburka diyaaradan dad gaaraya 224 ruux oo dhamaantood Ruush ahaa.

Sidoo kale Dowlada Britain ayaa joojisay diyaaradaheeda duulimaadyadii ay ku tegayeen dalka Masar waxaana lagu soo rogay diyaaradaha ka soo duulaya magaalada Sharma inaysan soo qaadi karin wax xamuul ah oo dadka boorsooyinka ay wataan la saarayo diyaarado kale oo gaar ah.

Maleeshiyaad sheegtay inay xiriir la leeyihiin ururka IS ayaa sheegtay mas’uuliyada soo dhicista diyaarada. Hase yeeshee ururkan ayaan sheegin qaabka uu diyaarada u soo ridey. Ururka IS

Saraakiil u hadashay UK ayaa sheegtay in ay heleen warar muqaabaraad ah kaasoo ay isku dirayeen maleeshiyaadka Sinay iyo ururka IS waxayna ka hadlayeen in bam la qariyay uu sababay burburka diyaarada Ruushka laga lahaa.
Madaxweyne Putin go’aankiisa ah joojinta duulimaadyada diyaaradaha Ruushka ee Masar ayaa waxaa kala taliyay madaxa u qaabilsan ammaanka FSB kulan ka dhacay magaalada Moscow.

Hogaamiyaha Ruushka ayaa amray in dowladiisu ka shaqeyso sidii muwaadiniinta Ruushka ay si ammaan ah dalkooda ugu soo laaban lahaayeen.Ruushka ayaa sheegay in dad gaaray 45,000 oo Ruushiyaan ah ay haatan dalxiis u joogaan dalka Masar, sidoo kale 19.000 oo British ah ayaa ku xayiran Sharm el-Sheikh.

Dad badan oo u dhashay dalka Britain oo lagu waday in ay maanta dib ugu laabtaan dalkooda ayaa baaqday kadib markii ay waayeen diyaarad ay raacaan, shirkada Easy jet ayaa sheegtay in dowlada Masar ay ku soo koobtay duulimaadyadeeda 2 duulimaad halkii hore ay 10 duulimaad ku tegi jirtey magaalada Sharma el-Sheikh.

Wasiirka duulista ee dalka Masar Hossam Kamal ayaa beeniyay in ay joojiyaan duulimaadyada hase yeeshee waxa uu sheegay in ay jirto xaalad dhinaca ammaanka iyo weliba in duulimaadyo xaddhaaf ah ay ka jirto magaalada Sharma.