Wafdi uu Hoggaaminayo RW Somalia oo Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

0
179

Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyagoo la kulmay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdiga Sharma’arke ayaa markii ay gareen garoonka Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed, waxaana loo gudbiyay wafdiga xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur-galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada wafdiga RW Somalia ay ku yimaadeen magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee maamulkiisa.

Sidoo kale, RW Sharma’arke ayaa sheegay in socdaalkiisa Baydhabo uu la xiriiro sidi uu kulammo ula yeelan lahaa qaybaha bulshada, sida waxgaradka soo xulaya xildhibaannada baarlamaaanka maamulka Koonfur-galbeed.

Booqashada Sharma’arke iyo wafdigiisa ay ku tageen degmada Baydhabo ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo lagu soo gaba-gabeeyay degmadaas shalay kulan looga hadlayay nooca doorasho ee ka dhici doonta Somalia sannadka soo socda 2016-ka.

Ugu dabmeyn, dhawaanahan waxaa ka jiray Baydhabo khilaafyo ku saabsan xulitaanka xildhibaannada baarlamaanka maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed oo howshoodu ay socotay bilihii u dambeeyay.