War Deg Deg Ah {SAWIRADA}:” Booliska Belgium-ka oo qabtay rag la tuhmayo in ay ku lug lahaayeen Weerarkii Paris

0
197

Ciidamada booliiska Belgium-ka ayaa gudaha dalkaasi iyo xadka ay la wadaagaan Faransiiska ka sameeyay howlgalo lagu beegsanayo rag lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen weeraradii habeen hore ka dhacay Magaalada Paris.

Ciidamada ayaa xiray sadax nin oo gaari watay kuwaa oo ka yimid Magaalada Paris ee caasimada Faransiiska, ragan ayaana lagu qabtay xadka ay labada wadan wadaagaan , waxaana ku socda baaritaano lagu ogaanayo waxa ay ahaayeen.

Gaari lagu arkay halka weerarku ka dhacay ka diiwaangashanayaa Dalka Belgium ayaa la sheegay in ay isticmaaleen ragii weerarka ku qaaday Tayaatarka Bataclan, halkaas oo lagu dilay in ka badan 80-qof oo dhalinyaro u badnaa .

Afhayeen u hadlay Dowlada Belgium oo lagu magacaabo Jean-Pascal Thoreau, ayaa cadeeyay in ay ciidamada amaanka xireen sadax nin oo la tuhmayo, waxa uuna sidoo kale cadeeyay in dalkooda ka diiwaangashanaa gaariga lagu arkay Tiyaatarka dadka badan lagu laayay.

Wadamo badan oo Yurub kuyaala gaar ahaan kuwa dariska la ah Faransiiska ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan, waxaana dalalkaasi heegan la galiyay ciidamada amaanka iyadoo sidoo kale ay socdaan howlgalo amaan xaqiijin ah.