War Deg Deg’ ah Wariye Axmed Xasan Cawke Oo Geeriyooday

0
488

Allaha u naxariistee Waxaa magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Somalida dalka Ethiopia ku geeriyooday Wariye Axmed Xasan Cawke oo dadka Somaliyed ay si weyn u garanayaan.

Geerida Axmed Xasan Cawke, waxaa xaqiijisay Walaashiis Canab Xasan Cawke oo sheegtay in xalay uu taleefoonka kula soo xidhiidhay uuna u sheegay in uu aad u xanuusan yahay oo neefta ay hayso.

Waxyar kadib ayeey Canab sheegtay in loo soo sheegay geerida Walaalkeed Allaha u naxariistee Axmed Xasan Cawke.

Wariye Axmed Xasan Cawke oo dadka Somalida ay garanayaan ayaa ahaa Wariye cod macaan oo dadka ay jecel yihiin.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

Wuxuu ka soo shaqeeyay Telifishankii Somaliya , kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii somaliya.

Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka soomaliga ee idaacadda BBC 1996 . wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay laanta Afka soomaliga ee VOA , Telifishanka Universal , HCTV , iyo Telifishnka Somaliland National TV .