War Deg Deg Ah : Wasiiro , Xildhibaano iyo Siyaasiyiin wali ku go’doonsan Dhismaha Hotelka Saxafi

0
186

Wararkii ugu dambeeyay aan ka heleyno dhismaha Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada sida gaarka h u tababaran ay wali ku dadaalayaan sidii ay usoo afjari lahaayeen Weerarka ay rag hubeesan oo Shabaab katirsan ay saakay aroor hore ku galeen Hotelka Saxafi.

Rasaas ayaa wali laga dhax maqlayaa Dhismaha Hotelka Saxafi , waxaana dhismaha Hotelka gudaha u galay Ciidamo katirsan Nabad ugida Qaranka, kuwaa oo baadi goob ugu jira ragii weerarka ku galay Hotelkkaasi, waxa ayna ciidamada wadaan in ay soo bad baadiyaan dadka Hotelka ku xayiran.

Wasiiro, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Siyasaiyiin caan ah ayaa wali ku dhax go’doonsan dhismaha Hotelka, wali si dhab ah looma oga xaalada ay Masuuliyiintaasi ay ku sugan yihiin .

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhismaha hoteelka ay ku go’doonsan yihiin Culumaa’udiin caan ah oo katirsan Hay’ada Culimada Soomaaliyeed, waxaa iyana Dhismaha Hotelka wali ku dhax jira dad kale oo kamid ahaa dadkii degnaa.

In ka badan 10-qof ay ku jiraan Masuuliyiin ayaa la xaqiijiyay in weerarka lagu qaaday Hotela Saxafi ay ku dhinteen, waxaana suurto gal ah in uu sii kordhaan qasaaraha Weerarka lagu qaaday Hotelka Saxafi oon wali lasoo afjarin.