Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii kasocday Gaalkacyo iyo Labada Dhinac Oo Guulo Kala sheegtay

1
315

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in wali dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa Puntiland uu kasocdo qeybo kamid ah Magaaladaasi.

Dagaalka ayaa saakay qarxay kadib markii Ciidamo katirsan maamulka Puntiland ay kasoo durgeen fariisimahooda ayna soo gaareen goobo ku dhaw xadka labada Maamul wadaagaan, waxaana halkaasi dib uga qarxay dagaal culus.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa wali ah mid kacsan, waxaana wali rasaas laga maqayaa qeybo kamid ah Magaalada Gaalakacyo, waxaana Warar aan helnay sheegayan in Ciidamada Galmudug ay horumar ka sameeyeen dagaalka ayna qabsadeen xaafado kuyaala Waqooyiga Gaalkacyo .

Ku dhawaad 10-qof oo u badan dhinacyadii maanta dagaalku dhax maay ayaa dhintay waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay tiro kale oo badan, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan qasaaraha dagaalka ka dhashay.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo shalay tagay Cadaado iyo Garawe ayaa ku guul dareestay xalinta colaada ka dhax aloosan maamulada Galmudug iyo Puntiland, waxa uuna R/Wasaaraha goordhaw dib ugu soo laabtay Magaalada Muqisho.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Xaalada Gaalkacyo kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Comments are closed.