WARBIXIN:Waa Kuwee 30 Ka Ciyaartoy Ee Ilaa Hadda Kubbada Cagta Ciyaara Ee Dhaliyay Goolasha Ugu Badani ? Halkee Ayay Kaga Jiraan Cristiano Ronaldo, Lionel Messi Iyo Zlatan Ibrahimovic?

0
852

Waxaa jira ciyaartoy badan oo kubbada cagta goolal badan ka dhaliyay kuwaas oo ilaa hadda sii wata waayahooda ciyaareed, waxaanan qormadan ku eegaynaa gooldhaliyaasha wali kubbada cagta ciyaara ee waayahooda ciyaareed dhaliyay goolasha ugu badan, waxayna goolasha aan ka hadlaynaa iskugu jiraan goolasha rasmiga ah ee ay ciyaartoydani u dhaliyeen kooxihii ay ka soo ciyaareen iyo waliba xulalka qaramadooda ay soo mataleen.

Waxaan soo qaadanaynaa 30 ciyaartoy ee ilaa hadda sii wata waayahooda ciyaareed ee kubbada cagta isla markaana dhalkyay goolasha ugu badan oo sida aan sare ku soo xusnay iskugu jira goolasha ay ka dhaliyeen heerarka qaran iyo kooxeedba.Haddaba halkan kaga bogo liiska 30 ciyaartoy ee ilaa hadda waayahooda ciyaareed ee kubbada cagta sii wata ee dhaliyay goolasha ugu badan.

1) Cristiano Ronaldo | 504  Gool oo waayihiisa ciyaareed ah

Cristiano Ronaldo ayaa hogaaminaya 30 ka ciyaartoy ee ilaa hadda kubbada cagta ciyaara ee xulalka qaramadooda iyo kooxahooda udhaliyay goolasha ugu badan. Ronaldo ayaa waayihiia ciyaareed dhaliyay 504 gool oo rasmi ah kuwaa soo uu dhaliyay kooxihii uu ka soo ciyaarayay iyo xulka qarankiisa Portugal. Ronaldo ayaa hadda ah 30 jir, wuxuuna wali haystaa fursad uu goolal badan oo kale ku dhalin karo.Ronaldo

2) Lionel Messi | 478 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah

Lionel Messi ayaa kaalinta labaad ku jira wuxuuna ilaa hadda xulka qarankiisa Argentina iyo Barcelona uu udhaliyay 478 gool oo rasmi ah. Messi ayaa ayay wali da’diisu tahay 28 jir, wuxuuna haystaa waqti badan oo uu ku dhalin karo goolal badan. Messi ayaa goolashan inta ugu badan udhaliyay kooxda kaliye ee uu ka ciyaaro ilaa hadda ee Barcelona.Messi

3) Zlatan Ibrahimovic | 411 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah

Waxaa kaalinta saddexaad kaga jira 30 ka ciyaartoy ee ilaa hadda kubbada cagta ciyaara ee goolasha ugu badan dhaliyay kibraaniga iyo joog dheeraha xulka qaranka Sweden ee  Zlatan Ibrahimovic kaas oo waayihiisa ciyaareed ilaa hadda dhaliyay 411 gool.Ibrahimovic ayaa soo maray kooxo tiro badan kuwaas oo uu dhamaantood goolal badan ka soo dhaliyay.Ibra

4) Samuel Eto’o | 381 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:-

Samuel Eto’o ayaa ah mid ka mid ah hayayada ay Afrika ku dhaadato, isla markaana kooxo badan wacdaro ka soo muujiyay, wuxuuna kaalinta afraad kaga jiraa 30- ka ciyaartoy ee ilaa hadda kubbada cagta ciyaara ee goolasha ugu badan dhaliyay kooxaha iyo xulalka qaramadooda, wuxuuna Samuel Eto’o  ilaa hadda dhaliyay 381 gool.Eto

5) Robbie Keane | 373 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:-

Sidoo kale Robbie Keane oo kooxo badan soo maray isla markaana wali sii wata waayihiisa ciyaareed ayaa ilaa hadda dhaliyay 373 gool, wuxuuna kaalinta shanaad kaga jiraa 30- ka ciyaartoy ee ilaa hadda kubbada cagta ciyaara ee goolasha ugu badan dhaliyay kooxaha iyo xulalka qaramadooda.Keane6) David Villa | 363 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:-

David Villa ayaa ah xidiga lixaad isla markaana kaalinta lixaad kaga jira  30- ka ciyaartoy ee ilaa hadda kubbada cagta ciyaara ee goolasha ugu badan dhaliyay kooxaha iyo xulalka qaramadooda, wuxuuna kooxihii uu soo maray iyo xulka qarnkiisa Spain udhaliyay 363 gool.Villa

7) Klaas-Jan Huntelaar | 341 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:-

Gooldhaliyaha xulka qaranka Netherlands ee Klaas-Jan Huntelaar ayaa kaalinta 7 aad kaga jira 30- ka ciyaartoy ee ilaa hadda kubbada cagta ciyaara ee goolasha ugu badan dhaliyay kooxaha iyo xulalka qaramadooda, wuxuuna kooxihii uu soo maray iyo xulka qarnkiisa Holland uu  udhaliyay 341 gool.Huntilaar

8) Didier Drogba | 339 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:-

Waa halyay kale oo Afrika ka soo jeeda iyo xulka qaranka Ivory Coast, waa Didier Drogba kaas oo in badan sare u qaatay sumcada iyo magaca qaarada Afrika,wuxuuna wali sii wata ciyaarista kubbada cagta uu magaca wayn ku helay. Didier Drogba ayaa kaalinta 8 aad kaga jira 30- ka ciyaartoy ee ilaa hadda kubbada cagta ciyaara ee goolasha ugu badan dhaliyay kooxaha iyo xulalka qaramadooda, wuxuuna kooxihii uu soo maray iyo xulka qarnkiisa Ivory Coast uu  udhaliyay 339 gool.Drogba

9) Luis Fabiano | 338 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:-

Malaha kaalin aan u qalmin ayuu soo galay ciyaartoy wata magaca Brazil, laakiin si kastaba ha ahaatee,Luis Fabiano ayaa ah xidiga ilaa hadda kubbada cagta ciyaara ee ka soo jeeda dalka calankiisu kubbada cagta yahay ee Brazil, wuxuuna Luis Fabiano ilaa hadda dhaliyay 338 oo waayihiisa ciyaareed ah, wuxuuna kaalinta 9 aad kaga jiraa 30- ka ciyaartoy ee ilaa hadda kubbada cagta ciyaara ee goolasha ugu badan dhaliyay kooxaha iyo xulalka qaramadooda, wuxuuna kooxihii uu soo maray iyo xulka qarnkiisa Brazil uu  udhaliyay 338 gool.Fabiano

10) Dimitar Berbatov | 326 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:-

Aan tobanka ciyaartoy ee ugu sareeya ku soo gabagabayno Dimitar Berbatov kaas oo kaalinta 10 aad kaga jira 30- ka ciyaartoy ee ilaa hadda kubbada cagta ciyaara ee goolasha ugu badan dhaliyay kooxaha iyo xulalka qaramadooda, wuxuuna kooxihii uu soo maray iyo xulka qarnkiisa Bulgaria  uu  udhaliyay 326 gool.Berba

11) Luca Toni | 319 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

12) Fred | 313 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

13) Claudio Pizarro | 310 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

14) Francesco Totti | 309 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

15) Antonio Di Natale | 308 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

16) Wayne Rooney | 304 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

17) Luis Suarez | 301 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

18) Diego Forlan | 294 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

19) Dirk Kuyt | 293 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

20) Miroslav Klose | 292 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

21) Frank Lampard | 291 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

22) Sergio Aguero | 271 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:-

23) Mario Gomez | 269 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

24) Carlos Tevez | 269 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

25) Robin van Persie | 266 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

26) Fernando Torres | 264 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

27) Robert Lewandowski | 259 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

28) Diego Milito | 259 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

29) Neymar | 249 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah:

30) Karim Benzema | 248 Gool oo waayihiisa ciyaareed ah: