Wasiirka Arimaha gudaha Dalka Talyaaniga Oo ka Badbaaday weerar dil ah

0
195

Booliiska dalka Talyaaniga ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe ay wadeen kooxda Mafiyada ee kasoo jeeda jasiirada Sisiliya kuwaasi oo doonayey inay toogtaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Angelino Alfano

Qorshahan ayaa waxaa fashiliyey xog ay ka heleen xubno qorshaha la socday oo ciidamada amaniga wargeliyey, waxaa sidoo kale laga maqlay khadka telefonada kooxda Mafiyada oo la dhageystay iyagoo qorsheenaya weerar lagu toogan lahaa Wasiirka.
“…Hadaan isku raacno waanu qaban doonaa, Madaxa ayaana ka toogan doonaa….”ayaa yiri mid kamid ah Qabqablayaasha kooxda Mafiyada loo yaqaan Cosa Nostra oo ay telefoonkiisa dhageysteen hay’adaha amniga.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga Alfano ayaa isagu asal ahaan kasoo jeeda jasiirada Sisiliya wuxuuna kamid yahay madaxda sida weyn u wada olole ka dhan ah kooxaha Mafiyada ah ee Talyaaniga kuwaasi oo sanadihii lasoo dhaafay laga xiray muhiim ah.

– See more at: http://risaala.net/articles/29162/Maafiyada-dalka-Talyaaniga-oo-laga-fashiliyay-qorshe-ay-ku-dili-rabeen-Wasiirka-Arimaha-gudaha#sthash.9f5vaqQW.dpuf