Waxgaradka Puntland iyo Galmudug oo ku baaqay in la Xaliyo Dagaalkii Gaalkacyo

0
349

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa Saaka laga soo sheegayaa Xaalad Daganaan ah kadib markii Shalay ay halkaa ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Labada Maamul ee Dariska ah Puntland iyo Galmudug.

Waxgarad ka soo kale jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa ku howlan in xal laga gaaro Dagaalkii Shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wararka Saaka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in Waxgaradka labada dhinac ay ku howlan yihiin Waan-waan iyo in la kala qaado Ciidamadii shalay Dagaalamay oo la soo sheegayo in ay meel aan kala fogeyn ay isku hor fadhiyaan.

Sidoo kale Warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidamo gurmad ah ay kala gaareen Labada Dhinac,kuwaas oo Cabsi ku abuuray Dadka Shacabkaa ee ku nool Magaalada Gaalkacyo.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Ciidamo kala taabacsan waxaa ay dhowr jeer ku dagaalameen Magaaladaasi,iyadoo aysan jirin wax Xal ah oo laga gaaray dagaalkii shalay marka laga soo tago Waan-waanta hadda la bilaabayo.