Xaalada Caafimaad ee Xildhibaan Gurxan oo la sheegay iney Wanaagsan tahay ka dib dhaawicii Saakay

0
221

Waxaa Isbitaal ku yaallo magaalada Muqdisho lagu daaweynayaa Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la dhaawacay xilli uu ku wajahnaa Xarunta golaha shacabka.

Xildhibaanka la dhaawacay ayaa ka tirsanaa Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Baarlamanaka waxa uuna ahaa Xoghayaha Guud ee Guddigaasi.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dabley watay gaari nuuca kaaribta ah oo madow, waxaana la sheegay in Dableyda ay goobta ka baxsadeen.

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan lagu baxnaaninayo Isbitaal ku yaallo Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay falka Xildhibaanka lagu dhaawacay.