Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo Caawa cakiran iyo Ciidamada Puntland oo horay usii siqaaya

0
313

War hadda naga soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa magaalada ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa Qorox dhicii galabta bilaabay dhaqdhaqaaq, waxa ayna isku dayayaan inay kusii siqaan dhanka deegaanada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta uu ka arimiyo Maamulka Galmudug.

Ciidamada ayaa isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay ee Xaafada Garsoor Magaalada Gaalkacyo, waxaana jiro Cabsi Caawa halkaasi ka taagan.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ee dhaqdhaqaaqa ciidan wada ayaa wali diidan inay dib uga laabtaan goobaha ay hada ku sugan yihiin waxa ayna waxkama jiraan ku tilmaamen qodobadii kasoo baxay Odayaasha labada dhinac.

Gudaha iyo daafaha magaalada ayaa waxaa Caawa lagu arkayaa ciidamo kala taabacsan labada dhinac, taasi oo walaac hor leh ku abuurtay Bulshada deeganka.

Si kastaba ha ahaatee, Labada madaxweyne ee Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa xooga saaraya sida loo kala qaadi lahaa labada ciidan.