Xaaladda Magaalada Baledweyne Oo Saaka Degan iyo Wadooyinka Qaar Oo Furan

0
186

Iyadoo Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Baledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan ay ka jirtay Xiisad ka dhalatay Dilkii Madaxii Hay’adda QM u qaabilsan Miinooyinka ee lagu Magacaabi jiray Mahdi Xuseen Shiikhaalow ayaa Saaka Magaalada waxaa ay tahay mid ay shaqeynayaan Goobaha Ganacsi iyo Isku socodka Dadweynaha.

Ugaas C/raxmaan Ugaas  Khaliif  ayaa ku guuleeystay in Magaalada Baledweyne Saaka ay Caadi noqoto islamarkaana Goobaha Ganacsi iyo kuwa Waxbarashada dib loo duro.

Maleeshiyaadka ayaa wali ku sugan qeybo ka mid ah Magaalada Baledweyne,waloow ay maanta Magaaladu ka fiican tahay sidii hore.

Mamaulka Gobolka Hiiraan iyo Waxgaradka Gobolka ayaa ku dadaalaya sidii Xal looga gaari lahaa Xiisadda ka taagan Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.