Xarakada Al-shabaab iyo Dad Shacab ah Oo ku Dagaalamay Tuulada Qandho Ee Dagmada Maxaas

2
485

Wararka laga helayo Degaanka Qandho oo hoosyimaada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-shabaab iyo Dad Xoolo dhaqato ah ay ku dagaalameen.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Xarakada Al-shabaab ay ku Amreen dadka Degaanka Qandho ee Gobolka Hiiraan in ay bixiyaan Xoolo Sakowaad ah,iyadoo Dadka Degaankuna ay iska diideen Dalabka Xarakada Al-shabaab uga yimid.

Inta la og yahay Dagaalka ayaa waxaa ku Nafwaayay 1  Ruux,halka ay ku dhaawacmeen 7 kale waxana ay iskugu jiraan dhinacyadii dagalamay .

Cabdi Maalin Maxamuud Oo Kamid ah Dadka Degaanka Ayaa Radio Hiranweyn U sheegay in Maleeshiyaad Hubeeysan oo ka soo horjeeda Al-shabaab ay dab qabadsiiyaan Gaari Shabaabku ay wateen oo ay ku Aruurinayeen Xoolo Sakowaad ah.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka baxay degmada Maxaas ayaa Gaaray degaanka lagu dagaalamay ee Qandho si ay u gacan siiyaan Maleeshiyaadka degaanka ee Iskood isku Abaabulay.

Dagaalka Ayaa Waxaa u dhacay Gilinkiidanbe ee Shalay  Waxana u saameyn ku yeeshay daganaasha degaanka qandho iyo tuuloyinka kale ee u dhaw dhaw

 

Comments are closed.