Xasan shiiq oo sheegey in al shabaab dagaalka lagula jiro uu yahay mid gaba gaba ah

0
204

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dalalka Ciidanka nabad ilaalinta ay ka joogaan Soomaaliya kala hadlay xoojinta Howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya iyo in ugu danbeyn la soo afjaro deegaanada wali gacantooda ay ku harsan yihiin Al-shabaab.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys oo ka warbixinayay safar madaxweynaha Soomaaliya uu ku kala tagay dalalka Uganda iyo Jabuuti ayuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh uu dhigiisa Uganda kala hadlay arimo muhiim oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka Labada dal iyo waliba in la dar dar geliyo howgalka ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Sidoo kale,Xasan Sheikh Maxamuud ayaa madaxweyne Cismaaciil Cumar Geel oo ciidamo dalkiisa ka socda ay joogaan Soomaaliya kala hadlay sidii iskaashiga dhanka dagaalka Al-shabaab loo sii xoojin lahaa.

Wadahadalaan Xasan Sheikh uu la yeeshay madaxda dalalka Ciidamada u soo diray Soomaaliya si ay u caawiyaan Dowlada ayaa daba socda wada hadalo horay madaxweynaha Hogaamiyaasha Africa uu kula soo yeeshay magaalada New Yor ka dib shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Dowlada Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka ayaa dadaal ugu jirta sidii nabad waarta uga xasili lahayd dalka,waxaana rajada ay tahay in sanadka 2016-ka ee soo socota doorasho ka dhacdo dalka,ka horna la nabadeeyo dalka.