Xiisad ka jirta Beledweyn maalintii labaad iyo Ganacsiga Iyo Wadooyinka Qaar Oo Xiran

0
193

Waxaa maalintii labaad xiran inta badan ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka magaalada Beledweyne kadib markii maleeshiyo beeleed ka careysan dilka sarkaal u shaqeynayay Qaramada Midoobay ay xirteen wadooyinka magaalada.

Xafiisyada hay’adaha samafalka iyo xarumaha waxbarashada ayaa albaabada u laaban iyadoo wadooyinka magaalada ay taagtaagan yihiin dadka magaalada iyagoo ka wardhowraya xallinta khilaafka ka jira magaalada.
Waxaa weli ka socda magaalada dadaalo ay ku doonayaan odayaasha dhaqanka in ay ku xaliyaan khilaafka ka dhashay dilka Allaha u naxariistee Mahdi Xuseen Shiikhaal oo la aaminsan yahay in ay dileen ciidamo ka tirsan dowlada.

Qeybaha qaar ee magalada waxaa ka socdo ganacsig iyo dhaq dhaqaaq dadka iyo gaadiidka balse waxaa  xiran malinti labaad wadada laamiga ee halbowlaha u ah magalada oo ay dhagxaandhigteen maleeshiyaadka ka carooday dilka alaha u naxariistee Mahdi Xusen Macoow Shiikhaal oo malin ka hor lagu dilay gudaha magalada

Wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar Maxamed oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa wado dadaalo lagu doonayo xalinta xiisada Magalada baladweyne

Waxana u magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo baaritaan ku sameeya dilka loo geystey sarkaal u shaqeynayay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan miinooyinka Mine Action.

Dadaalada Wasiirka Aminiga gudaha ayaan la ogeyn sida ay ugu guleysan karaan xalainta xiisa katagan magalada baladweyne ee gobolka hiiraan
Xubnaha guddigan uu magacaabay wasiirka amniga iyo siyaasiyiin kale oo doonaya in ay gacan ka geystaan xalinta khilaafka ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.