Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan Oo U Geeriyooday Dhaawacii Ka Soo Gaaray Weerar Saakay

0
241

Allaha u naxariistee waxaa u geeriyooday dhaawacyo soo gaaray maanta Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan  oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kaasoo saaka ay kooxo hubeysan ku weerareen degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho.

Marxuumkan ayaa ka tirsanaa Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Baarlamanaka waxa uuna ahaa Xoghayaha Guud ee Guddigaasi.

Dabley hubeysan oo gaari wadatay ayaa saaka barqadii ku toogatay agagaarka Bacadlihii hore ee Xamar weyne, xilli uu ku sii jeeday xarunta golaha shacabka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay falka Xildhibaanka lagu weeraray.

Al-Shabaab ayaa goor sii horeysay sheegatay inay ka dambeysay weerarka, mana jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka.

Waa xildhibaankii shanaad oo sanadkan gudihiis lagu dilo magaalada Muqdisho, todobaadkii hore ayay aheyd markii Xildhibaan Abtidoon lagu dilay weerarkii Hotel Saxafi.