Xildhibaan Qoone Oo Sheegay In Lasoo Af-jaray Kala Aragti Duwanaanshihii Guddiga Farsamada

0
198

Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim [Qoone] oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in lasoo af-jaray kala aragti duwanaanshihii ka taagnayd dhismaha Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Somalia ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqday Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, kaasoo ka kooban 14-xubnood, inkastoo ay ka hor-yimadeen guddigaan dadka ku nool labada gobol, kuwaasoo saluugay habka loo maray qaybinta xubnaha guddiga.

Sidoo kale, xildhibaan Qoone ayaa ku amaanay wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia dadaalka ay kusoo af-jartay murankii dhismaha guddiga farsamada ka dhashay iyo sida ay dhexda ugu xiratay xalinta murankaas, wuxuuna dhanka kale soo dhaweeyay inay madaxda wasaaradda socodsiiso howshii uu guddigaani qaban lahaa.

“Waxaan soo dhaweynayaa kala aragti duwanaantii ka jiray dhismaha Guddiga Farsamada labada gobol iyo sida wasaaradda arrimaha gudaha u soo af-meertay murankaas,” ayuu yiri xildhibaan Qoone oo la hadlayay warbaahinta.

Xildhibaanka ayaa ku boorriyay bulshada kasoo jeeda labada gobol inay gacan ka geystaan dhismaha maamulka la doonayo in loo sameeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Dhowaan ayaa la filayaa in la bilaabo howsha gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan loogu dhisayo maamulka, iyadoo wasaarada arrimaha gudaha ay sheegtay in la dhisi doono maamulkaas ka hor inta aanu dhammaan sanadkanka lagu jiro ee 2015-ka.