Xildhibaan & Siyaasiyiin Kaso Jeedo puntiland Cambaareeyay Xarigii Lagula Kacay Wariye Jaamac Daparaani.

0
196

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland & Siyaasiyiin ayaa si kulul u cambaareeyay xarigii maamulka  Puntland ay kula kacday wariye jaamac Daparaani oo ka tirsanaa wariyayaasha Madaxa banaan ee ka hawlgalijiray Puntland, isagoona u shaqaynayay Somalichanal TV.

Xildhibaan Saciid Surcad oo ka tirsan Mudanayasha Baarlamaanka Puntland ayaa isagoo warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in xarigii wariye Jaamac Daparaani uu ahaa mid sharci daro ah maadaama aan loo marin sifo sharci ah.

Xildhibaan Cali Jaamac Dhagacade ayaa dhankiisa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Wariyahaas, waxaana Madaxwaynaha uu ugu baaqay kana codsaday inuu tixgaliyo Saxaafada.

Siyaasi Cabdi Cabdulle Waran jaan oo xilal kasoo qabtay dawladihii Soo maray Soomaaliya ayaa sheegay in xariga Wariye jaamac Daparaani uu yahay mid sharci daro ah, waxaana uu sheegay in hada waxa socda ay u muuqdaan in la isticmaalayo awoodaha taliska milatariga ah oo kale.

Waxaa uu sheegay in uu codsanayo in la ilaaliyo sharciga & qaynuunka dadka Reer Puntland dhigteen.

Maamulka Puntland wali war cad kama soo saarin xariga Wariye jaamac Daparaani oo isagu wali xiran.