Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Ka Hadlay Dil Barakacayaal Loogu Geeystay Muqdisho

0
201

Xili Shalay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ay ku Dagaalameen Jaamacadii hore Gaheyr Ee Degmada Hodan ayaa waxaa Falkaasi wax laga Xumaado ku Tilmaamay Baarlamaanka Soomaaliya .

Guddoomiye Kuxigeenka Haweenka Baarlaamaanka Xildhibaan Maryan Macalin Isxaaq ayaa sheegtay in ay ka xun yihiin in la laayo Dad Barakacayaal ah oo xilligaas loo qeybinayay Kaar ay ku qaataan Macaawino,iyadoona Dalbatay in Caddaaladda  la soo taago Dadkii ka danbeeyya.

Iska Hor imaadkaasi dhexmaray Ciidamada ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 10 Ruux,halka ay ku dhaawacmeeyn ilaa 15 kale,iyadoo Dadka dhintay ay u badan yihiin Haween Barakacayaal ah.