Xulka Qaranka Soomaaliya oo Kulankii Saddexaad la Garaacay

0
578

Xulka Qaranka Soomaaliya oo ka qeyb galaya Koobka CECAFA ee loo yaqaano Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa galabta Cayaar Adag la dheelay Xulka Qaranka Wadanla Rwanda ,kaas oo ka dhacay Wadanka Itoobiya.

Cayaartooyda Magaca Soomaalida ku matalaya dalkeena ayaa qeybtii hore ee Cayaarta soo bandhigay Cayaar la Jecleystay,kuwaas oo Abuuray Fursado badan oo Gool noqon karay,inkastoo aysan u suuro galin in ay Shabaqa gaaraan.

Gaba gabadii Cayaarta qeybta hore ayaa Xulka Dalkeena Soomaaliya looga naxsaday Gool,iyadoo lagu kala nastay 1 iyo Waxba oo Soomaalida lagu lahaa.

Markii la isku soo laabtay Qeybtii danbe ee Cayaarta ayaa Xulka Soomaaliya laga dhaliyay Labo Gool,waxaana Galabta lagu Garaacay 3 iyo Waxaba.

Kulamadii ka horeeyay ee ay la dheeleen Xulalka Tanzania iyo Ethiopia ayaa dhamaan laga Adkaaday,waxaana Saddexda Kulan Xulka Soomaalida laga dhaliyay ilaa 9 Gool,iyadoo aysan jirin wax Gool ah oo ay dhaliyeen.

Sidoo kale Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa Iskaga haray Tartanka Koobka Bariga iyo bartamaha Afrika ee sanadkaan ay Itoobiya marti galisay.