Xulka Soomaaliya Oo Guul Dara Kala Kulmay Ciyaar ay La Dheleen Xulka Itoobiya

1
428

Xulalka Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kulan adag waxa ay ku wada ciyaareen garoonka Awassa ciyaar ka tirsan koobka  Cecafa.

Macallinka xulka ayaa qeyb kasoo badelay shaxda xulka kulanka Itoobiya, waxaana garabka bidix ee daafaca uu kusoo bilaabay xiddiga Xasan Siidoow, halka khadka dhexe lagu soo bilaabay Xasan Xasaasi.

Maadaama ay dhaawacan yihiin xiddigaha Jabriil iyo Bile ayaa waxaa weerarka tooska ah la ciyaar siiyay xiddiga C/qani Buulle Abgaaloow.

Ciyaarta oo mareysa 13 daqiiqo xulka Itoobiya ayaa la yimid gool, waxaana u dhaliyay xiddiga Mohammed Nasser,  billisoon la soo tuuray ayuu madax daba marsiiyay goolhaye Mustaf

Daafacyada xulka Soomaaliya ayaa ahaa  kuwo isla wada shaqeynayay iyagoo u diiday xiddigaha Itoobiya in ay goosha la aadaan kubaddo dhowr ah.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 1-0 oo lagu hoggaaminayo xulka Soomaaliya.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa badel lagu saaray xiddiga kooxda Jeenyo ee Mayman, waxaana soo galay C/risaaq Cali oo durbo abuuray labo fursadood oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 66’aad ee ciyaarta ayaa waxaa badel lagu saaray xiddiga Qubaaye, waxaana garoonka soo galay ciyaaryahanka kooxda Heegan ee Mahad Yare.

Ciyaarta oo gabo gabo ku dhaw xulka Itoobiya ayaa la yimid goolkii labaad, iyadoo ugu dambeyn ciyaarta kusoo dhamaatay 2-0 oo ay guusha ku qaateen xulka Itoobiya.

Comments are closed.