Xumna Katirsan Shabaab Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhcday Gobalka Sh/Hoose

0
299

Wararka ka laga helayo Tuulada Baladul Amiin ee Hoostagta Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose , ayaa sheegaya in xalay saqdii dhaxe Diyaarado dagaal ay Duqeyn Culus la beegsadeen Saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen Deegaankaasi.

Dadka Deegaanka ayaa ku waramay in ay maqleen gantaalo culus oo kusoo dhacaya qeybo kamid ah Deegaanka gaar ahaan xarumo Al-Shabaab halkaasi ku lahaayeen, waxaana duqeyntaasi ka dhashay qasaaro kala duwan.

Guddoomiyaha degmada Wanlaweyn, Xaaji Isaaq Maame Caliyow,oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Duqeynta lala eegtay Tuulada Baladul Amiin lagu dilay 8-Xubood oo katirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab tiro kalana lagu dhaawacay.

Wali si rasmi ah looma oga Duqentaasi xalay ka dhacday Shabeelaha Hoose cida ka dambeysay iyo bartilmaameedka lala rabay , sidoo kale lama xaqiijin xubnaha katirsan Al-Shabaab ee weerarkaasi lagu dilay waxa ay ahaayeen .

Diyaardaha Dagaalka Mareykanka ayaa horey duqeymo lagu dilay Hogaamiyaal iyo Xubno katirsan Xarakada Al-Shabaab waxa ay ka fuliyeen Deegaano iyo Degmooyin katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.