Arsenal Oo Guul Muhiim Ah Ka Heshay Kooxda Sunderland Soona Gaartay Kaalinta 2-aad Ee EPL

0
370

 

Kooxda Arsenal ayaa guul muhiim ka heshay naadiga Sunderland cayaar ka tirsaneed Premier League England.

Arsenal ayaa guushan kaga mahad celineyso Olivier Giroud iyo Aaron Ramsey oo qaybtii labaad goolal muhiim u dhaliyeen.

Kooxda Sunderland ayaa cadaadis badan la timid sidoo kalena la dagaalantay kooxda Arsenal oo xidigo badan dhaawac kaga maqan yihiin.

Laakiin wiilasha macalin Arsene Wenger ayaa karti baadn muujiyeen waxayna gaareen guul qaali ah ayagoo 3-1 dhibcaha kaga qaateen kooxda Sunderland waxayna Arsenal haatan soo gaartay kaalinta 2-aad ee horyaalka England.

Kooxda Arsenal oo xidigo muhiim ah dhaawac ka yihiin ayaa ku bilaawday kulankan jawi qal qal ah weliba Fabio Borini ayaa hogaanka u dhiibi rabay kooxda Sunderland balse goolhaye Cech ayaa ka bad baadiyay kubadii goolka loo fishay daqiiqadii 3-aad.

Arsenal ayaa caga dhigatay sidoo kalena xidigaheeda is fahmeen markii kulankan lasii guda galay waxaana ugu dambeyntii Gunners-ka hogaanka u dhiibay Campbell daqiiqadii 33-aad.

Kubadan waxaa si rasmi ah caawinaad kaga geestay Mesut Ozil oo haatan 12-kubadood dhiibay xili cayaareedkan EPL.

Laakiin nasiib xumo daqiiqadii 45-aad cayaarta oo qaybtii hore dhamaad ku dhow waxaa gool iska dhaliyay Olivier Giroud asigoo xidigan isku dayay inuu bad baadiyo M’Vila kubad uu soo laaday.

Qaybtii labaad ee kulankan Arsenal ayaa dadaal wacan sameesay ayadoo ka helayeen garab weyn taageerayaashooda garoonka Emirates usood daawasho tageen.

Sidaa darteed Olivier Giroud ayaa dib u saxay qaladkii uu galay wuxuuna cayaarta ka dhigay 2-1 asigoo hogaanka u dhiibay Arsenal xili xasaasi ah.

Olivier Giroud ayaa si qurux badan madaxa ugu dhaliyay kubad uu soo karoosay Aaron Ramsey daqiiqadii 62-aad.

Kooxda Sunderland ayaa culees badan saartay dhigeeda Arsenal waxaana kubad qaali ah oo gool loo fishay iska qasaariyay Van Aanholt daqiiqadii 88-aad asigoo cayaarta ka dhigi karay 1-1.

Ugu dambeyntii kulankan 5-daqiiqo ayaa lagu daray laakiin Arsenal ayaa la timid goolkeedii 3-aad ee guusha u xaqiijiyay waxaana dhaliyay Aaron Ramsey oo cayaarta ka dhigay 3-1.

Arsenal guusha ku qaadatay 3-1 waxayna guushan kaga dhigan tahay Arsenal inay kaalinta 2-aad soo fariisato waxayna labo dhibcood ka hooseysaa naadiga Leicester City oo haatan hogaanka EPL kali ku ah.

Arsenal