Askari ka tirsan Ciidamada Jabuuti oo Dagaalka Baledweyne lagu dilay Iyo Dhawac Ka sogaray…

0
392

 

Wararka ka imaanaya aagaga Horre Ee  Dagaalka Ee Xafada Howlwadag ee magalada baladweyne  ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM lagu dilay dagaalka Xaafadda Howlwadaag ee Magalada Baladweyne  oo uu ka soconayo maanta Dagaal u dhexeeya Maleeshiyad Hubeeysan.

 

Dilka Askariga ayaa yimid kadib Markii Ciidamada AMISOM ee ka socda Dalka Jabuuti ay isku dayeen in ay kala dhexgalaan Maleeshiyaadka ku Dagaalamaya Magaalada,waxaana Askariga Haleeshay Rasaas ay is dhaafsanayeen Maleeshiyaadka Dagaalamay sida uu so shegayo Wariye Hiranweyn  oo xiligan ku sugan xafada Howlwadaag oo ah Halka U dagaalka Ka socdo .

 

Magaalada ayaa waxaa wali ka soconaya Dagaal u dhexeeya Maleeshiyaad Hubeeysan,waxaana sidoo kale Dadka dhintay ay gaareen ilaa 10 Ruux,halka Dhaawacu uu Gaaray ilaa 30 kale.

 

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Taliska Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan wali kama hadlin Dagaalka ka dhacay Magaalada Baledweyne.