Baarlamaanka Koofur Galbeed oo dooranaya Guddoomiye KMG ah

0
349

Magaalada Baydhabo Ee xarunta u ah Gobolka Baay Maalmo ka hor waxaa lagu dhaariyay 89 Muane oo ah Xildhibaanada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya,waxaana hadda Xildhibaanada Maamulkaasi ay wadaan Qorshe lagu dooranayo Guddoomiye KMG ah inta la soo dooranayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed Xasan Cabdi  ayaa sheegay in Xildhibaanada ka dhiman Baarlamanaka la soo dhameystirayo oo uu socodo Qorshahaasi.

 

Xasan Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaanada Koofur Galbeed ay soo Dooran doonaan dhawaan Guddoomiye KMG ah  kadibna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi la soo dooran doono.