Beesha Caalamka oo sheegay in aan loo dulqaadan doonin sii socoshada dagaalada Gaalkacyo

0
312

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen xafiisyada ay Soomaaliya ku leeyihiin QM, Midowga Africa, urur goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo wadamo kale oo Soomaaliya taageera ayaa waxay ku cambaareeyeen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Warkaan waxaa lagu sheegay in beesha caalamku ay ka xuntahay in dagaal uu mar kale dib uga dhaco magaalada Gaalkacyo ayadoo heshiis lakala saxiixday.

Sidoo kale war saxaafadeedkaan waxaa lagu xusay inay ayaan darro tahay in ayadoo ay madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland ay heshiis wada saxiixdeen in hadda uu mar kale dhiig ku daato magaalada.

Maamulada ku dagaalamay Gaalkacyo ayaa war saxaafadeedkaan kasoo baxay xafiisyada wadamada beesha caalamku Soomaaliya ku leeyihiin waxaa loogu jeediyay inay dhaqan galiyaan heshiiskii ay saxiixeen oo ay kala qaadaan ciidamada si dadkii barakacay ay guryahooda dib ugu laabtaaan.

“Beesha caalamku uma dulqaadanayso inuu sii socdo dagaalka lagu daadinayo dhiiga maatida sidaa darteed dawlada federalka ah waa inay u dirtaa Gaalkacyo guddi madax banaan oo qiimeyn ku sameeya cidda diidan nabadeynta” ayaa lagu yiri warkaan.

Wadamada bayaankaan soo saaray ayaa sidoo kale soo jeedinaya in ciddi jabisay xabad joojintii la saxiixay lala xisaabgtamo.

Ugu dambeyn war saxaafadeedkaan waxaa lagu yiri “Beesha caalamku waxay taageersantahay dadaalka ay dawlada Soomaaliya gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu wado ee la doonayo in dagaalka  lagu dhameeyo

Maalintii shalay ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa madafiic isku dhaafsaday magaalada dhexdeeda taasoo dhalisay khasaaro naf iyo maalba leh .

Beesha Caalamka