Boqollaal ka Tirsan Al-Shabaab Oo Sheegay In Ay Ku Biireen Kooxda Daacish

0
359

Tiro lagu qiyaasay 200 oo ka tirsanaa Al-shabaab ee Somalia ayaa la sheegay inay ballanqaadeen inay ku biireen ISIS oo ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayna ka furteen Al-Qaacida.

Joseph Boinett oo ka tirsan saraakiisha booliiska dalka Kenya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP, in kooxda ka goosatay Al-shabaab ee ku biiray kooxda ISIS/Daacish ay ka howlgalaan deegaanno ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayna laba weerar ku qaadeen Kenya labadii toddobaad ee u dambeeyay, kuwaas oo ay ku dileen hal askari iyo qof oo shacab ah degmada Mandheera-Kenya.

“Kala qaybsanaanta Al-shabaab soo dhexgashay waa khatar kale oo dhinaca amniga ah oo soo foos-saartay Kenya,” ayuu hadalkiisa raaciyay Joseph Boinett, isagoo intaas ku daray in kooxda Al-shabaab ka goostay ee ku biiray ISIS uu ka mid yahay; Maxamed Kuno oo lagu naynaaso Gama-dhere, kaasoo uu sheegay inuu ka dambeeyay weerarkii horraantii sannadkan lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya oo lagu dilay 148-qof oo u badan ardaydii Jaamacaddaas wax ka baranayay.

Al-shabaab ayaa horay wacad ugu martay inay kordhin doonto weerarrada ay ku qaadayso dalka Kenya, taasoo ay sabab uga dhigtay in Kenya ay kumannaan ka mid ah askarteeda u soo dirtay Somalia sannadkii 2011-kii, si ay Al-shabaab ula dagaalamaan.

Sidoo kale, laba ruux oo u dhashay Mareykanka oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa ka goostay Al-shabaab iyagoo isku dhiibay xukuumadda Somalia horraantii bishan, kaddib markii la dilay saraakiil sheegay inay go’aansadeen inay kooxda ISIS ku biireen, iyagoo xubnahaan ay sheegeen inay ka baqeen in la dilo.

Kooxda Boko Haram ee ka dagaallanta waddanka Nigeria ayaa bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay sheegtay inay ku biirtay ISIS/Daacish, iyagoo ugu baaqday kooxda Al-shabaab inay ku biiraan Daacish intii ay kasii mid ahaan lahaayeen ururka Al-Qaacida.

Ugu dambeyn, Saraakiisha Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inaysan ku biirayn kooxda Al-shabaab oo ay kasii mid ahaanayaan Al-Qaacida, iyagoo sheegay inay gacanta adag ku qaban doonaan cid walba oo isku-dayda inay kala qaybiso Al-shabaab