Ciidamada Badda Libya oo soo badbaadiyay tahriibayaal cillad ka gashay doontii ku safrayeen

0
334

Ciidamada badda ayaa soo badbaadiyay boqol muhaajiriin ah kuwaasoo doon ku sii jeeday dalka Talyaaniga  ay saarnaayeen ay ku timid cillad farsamo.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda dowlada Libya ee is khilaafsan Ayou Qassem ayaa sheegay in 108 tahriibayaal ah ay ka soo badbaadiyeen
badda.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray labo ka mid ah dadka tahriibayaasha ah ay dhinteen halka labo kalana ay xaaladoodu liidato. Dhammaan dadka tahriibayay ayaa waxa ay ka soo jeedaan dalalka qaarada Yurub.

Dadkan tahriibayay ayaa waxaa ay sheegeen in ay doonayeen in ay u socdaalayeen dalka Italy balse matoorka doonta ay saarnaayeen ay cillad soo gashay.

Dadka sii mara dalka Libya iyagoo u tahriibaya qaarada Yurub ayaa lacago faro badan ku bixiya iyadoo dadkaasina ay inta wadada ku sii jiraan la kulma jidil iyo dhac iyo weliba mararka qaarkod kufsi ay la kulmaan haweenka.

Dadka tahriibaya iyo koritaanka ururka IS ee dalka Libya ayaa ah labo arrin oo sababtay in wadamada reer Galbeedka ah xoojiyaan Qaramada Midoobay in ay heshiis dhex dhigto labada daraf ee isku haysta maamulka dalka Libya.