Ciidamo Ga’doodsan oo Xirtay Wadada isku Xirta Muqdisho iyo Jaziira

0
402
?????????????????????????????????????????????????????????

Ciidamo ka tirsan Milatariga  Soomaliya ayaa Maanta Xirtay wadada ka timaada Degaanka Jaziira taaas oo Muqdisho soo gasha, kuwaas oo ka careysan Mushaar la’aan.

Waxaa ay Ciidanku Diideen in wax gaadiid ah aysan mari karin wadaaas iyaga oo sheegay in gabi ahaanba wax maraya wadada aysan jirin.

Mid kamida Darawada Baaabuurtooda ku xayiran tahay wadadaas ayaa Hiranweyn u sheegay in Ciidamadaaas ay Baabuurta u diideen in Muqdisho soo galaan kana Baxaaan.

Saraakiisha Ciidanka Milatariga wali kama hadlin Arrinta, Balse waxaa ay xirnaashaha wadadaas dhibaato ku tahay Dadka Rayidka aha iyo Gawaarida isticmaala maadaama ay Ciidamo gadoodsan u xiran tahay.