Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM oo Baaritaan ka wada Qoryooley

0
374

Ciidanka Dowladda oo Boolis iyo Nabad Sugid isugu jira ayaa Saakay waxaa ay Baaritaan ka wadaan Xaafadaha ay ka koobantahay Degmada Qoryooley.

Ciidanka AMISOM ayaa ka gacan siinaya Baaritaanka oo Xaafadaha lagu gelayo laguna raadinayo, Hub sida ay sheegeen Maamulka Degmadu lagu soo weeraro oo yaalla gudaha degmada.

Baaritaankan waxaa uu Daba socdaa Dagaal Xalay ka dhacay Qoryooley oo ay Ciidamo ka tirsan Al-shabaab kula wareegeen Fariisimo Ciidanka Dowladdu lahaayeen, in kastoo markii dambe ay dib Ciidanka Dowladdu u tageen goobihii Al-shabaab-ku ka saareen.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Xaaladdu ay deggantahay ha yeeshee ay ciidanku joojinayaan xataa Ardayda Goobaha Waxbarashada u socota kuwaas oo su’aalo ay weydiinayaan.