{DAAWO SAWIRADA} Bandhig Faneedkii Kooxda Kheyla Dhaan Ku Qabten Magaalada Baledweyne

1
422
DCIM100MEDIA

Boqolaal shacab reer baledweyne ah ayaa ka qeyb galay bandhig faneed lagu qabtay Magaalada Baladweyne oo lagu soo bandhigay heeso kala duwan oo ay qaaden fanaaniin ka tirsan kooxda qeyla dhaan iyo fanaaniin kale  oo dhawaan soo gaaray Magaalada B.weyne.

Bandhig faneedka oo lagu qabtay Hoolka shirarka Gobalka ayaa fanaaniinta bandhig fanedka qabtay wax aka mid ahaa Al.fanaan C.raxmaan sheeq axmed {Gaas} ilyaas qarni Fadxi gaas faaisa beela iyo bashiir turoo love  waxaa usoo daawasho tagay Boqolaal shacab ah oo  kala yimid Xaafaddaha ay ka kooban tahay Magaalada Baladweyne,

Guudoomiyaha Ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulaahi Buraale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Bandhig Faneedkan uu soo qaban qaabiyay ururka dhalinyarada Gobolka, islamarkana ujeedka laga lahaa  ay tahay sidii loo muujin laha Nabad galyada ka jirta Magalaada Baladweyne Bandhig faneedkan uu yahay kii labad oo lagu qabto Magaalada.

Sido kale Maxamed Cabdulaahi Buraale Guudoomiyaha ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Bandhig faneedkan uusan noqon doonin kii ugu dambeyay ee lagu qabto Baladweyne maadaama ay jiraan bandhig fanedya kale oo lo qorsheyay in sannadka Cusub ee 2016-ka lagu qabto Baladweyne,

Dadkii ka qeyb galay Bandhig Faneedka oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in Farxad weyn u tahay in ay ka qeyb galan bandhig faneedka lagu qabtay Magaalada Baladweyne kaa oo ka turjumaya nabad ka jirta Degmada Baledweyne,

Bandhig faneed lagu qabtay Magalaada Baladweyne ayaa noqonaya kii labaad oo lagu qabta sanadkan gudihiisa  Ciidii Arafo ayeey aheyd markii sidaan oo kale ay bandhig faned ugu qabten Kooxda Xidiga Muqdisho bandhigaasi oo dadkii kasoo qeyb galay ay shegen in kentay nabada iyo xasiloonida ka jirta Gobolka Hiiraan.

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

Comments are closed.