{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Soomaaliya Oo Lagu Warejiyay Gaadiid Loogu Talagalay Martida

0
353

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Korea ayaa afar baabuur oo kuwa martida ah ugu deeqday wasaarada arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya iyadoo deeqdan oo ah tii ugu horreysay oo ay Korea siiso Somalia si gaar ah uga mahad-celisay wasaaradda arrimaha dibadda Somalia.

Gaadiidkan ayaa wasaaraddu u adeegsan doontaa martida ajnabig ah ee dalka soo booqata, waxayna qayb ka noqon doonaan dadaalo ballaaran oo wasaaradda lagu qalabeyn doono, laguna tayeyn doono habsami u socodka shaqo iyo shaqaale.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ayaa xustay inay hiigsanayso isbedello shacabka Soomaaliyeed loogu adeegayo, iyadoo la ilaalinayo xorriyada, madax-banaanida, Qaranimada, Midnimada iyo Wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Gaadiid.1jpg Gaadiid.2jpg Gaadiid.3jpg Gaadiid.4jpg Gaadiid.5jpg Gaadiid