{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga

0
385

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta kulan looga hadlayay amniga la qaatay laamaha ammaanka, sida Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa warbixin loogaga dhageystay Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska, waxaana la isku weydaarsaday in wada shaqeyn dhow dhex marto laamaha amniga Gobolka iyo shacabka, si loo adkeeyo ammaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo shir guddoominayay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo amniga iyo nadaafada.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Jen, Cali Xirsi Barre ayaa sheegay in wada shaqeyn la yeelan doonaan Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo waaxyaha kala duwan ee gobolka.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa amray inaan meelaha qaar ee magaalada lagu arki karin qashin, isla markana waxaa uu ku amray in ka shaqeynta nadaafada iyo amniga la xoojiyo.

duqa (1)duqa (2)duqa (3)duqa (4)duqa (5)duqa (6)