{DAAWO SAWIRADA} Madaxweeyne kuxigeenka Jubaland oo kormeeray saldhigyada ciidamada ee duleedka Kismaayo

0
528

Wafdi uu hogaaminayo madaxweeyne kuxigeenka Jubaland Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta kormeeray saldhigyada ay ciidamada Jubaland ku suganyihiin ee duleedka magaalada Kismaayo.

Madaxweeyne kuxigeenka ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehlinayay afhayeenka Jubaland C/naasir Seeraar Maax, Taliyaha ciidamada Jubaland Jen. Aadan Goojaar, Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweeyne kuxigeenka iyo wafdigiisa ayaa kormeerkooda ku bilaabay xarunta Jaamacadda Kismaayo halkaasoo ay ku xareysanyihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee qeybta ka ah isku dhafka ciidamada xoogga dalka qeybta Jubaland, waxa uuna warbixinno ku saabsan xaaladda ciidamadaasi ka dhageystay saraakiisha hogaamisa ciidankaasi.

Sidoo kale madaxweeynaha iyo wafdigiisa ayaa kormeeray xerada tababarka ciidanka ee Akadeemiya, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Jubaland, waxa uuna kormeeray dhufeysyada ciidanka ee xaradaasi.

Taliyaha ciidamada Jubaland Jen. Aadan Goojaar ayaa uga warbixiyay madaxweeyne kuxigeenka xaaladda ay ku suganyihiin ciidankaasi, isagoo ka codsaday in loo baahanyahay in dhismo lagu sameeyo xerada iyo weliba dhufeeysyada ciidanka oo uu sheegay in ay u baahanyihiin in sida ay yihiin laga badalo.

Madaxweeyne ku xigeenka oo goobta kula hadlay ciidamada ku sugan xerada Akadeemi ayaa ku booriyay ciidanka in ay laba jibaaraan dadaalkooda islamarkaana ay dowladdu ka warqabi doonto.

Kormeerka wafdiga uu hogaaminayo madaxweeyne ku xigeenka Jubaland ay ku tageen furimaha hore ee ay ku suganyihiin ciiidamada ayaa kusoo beegmaya xilli madaxda Jubaland ay sheegeen in deegaanada Jubooyinka ay ka bilaabi doonaan howlgallo ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab

 
KISMAAYO 1 KISMAAYO 2 KISMAAYO 3 KISMAAYO 4 KISMAAYO 6JPG KISMAAYO 25JPG KISMAAYO