{DAAWO SAWIRADA } Meydadka Dad badan oo la toogtay oo lagu arkay Wadooyinka Magaalada Bujumbura

0
345

Magaalada Bujumbura ee xarunta Dalka Burundi waxaa ka taagan Qalalaase xoogan, waxaana Mgaaaladaasi saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay weeraro dhoor ah iyo dilal qorsheesan oo dad badan loo geestay.

Qeybo kamid ah Xaafadaha Magaalada Bujumbura ayaa lagu arkay Meydadka dad badan oo la dilay oo wadooyinka lasoo dhigay, waxaana arintan ay cabsi badan ku beertay shacabka ku dhaqan Magaaladaasi oo qaarkood bilaabay barakac.

In ka badan Meydadka 30-qof oo siyaabo kala duwan loo dilay saacadihii lasoo dhaafay ayaa lagu arkay xaafado katirsan Magaalada Bujumbura, walina si dhab ah looma oga cida ka dambeysay dilalkaasi ka dhacay Magaalada Bujumbura.

Xaafada Nyakabiga ee Magaalada Bujumbura ayaa laga helay meydadka 21-qof oo la dilay oo Wadooyinka lasoo dhigay, halka xaafada kale Musaga iyana laga helay meydadka 13-qof oo iyana toogasho lagu dilay.

Qalalaasaha ka taagan dalka Burundi ayaa lagu dilay in ka badan 250-qof n tan iyo markii Madaxweynaha Dalka Burundi Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxtinimo ee dalkaasi.

Beesha Caalamka iyo Midowga Afrika ayaa ka digaya in Wadanka Burundi uu mar kale qalalaase iyo dagaalo sukeeye uu faraha la galo, waxaana loogu baaqay dhinacyada ku lugta eh qalalaasaha in ay xaalada dajiyaan.