{DAAWO SAWIRADA} Musharax Ibraahim Xabeeb Oo Soo Gaaray Magaalada B.weyne

0
425
????????????????????????????????????

Musharax Ibraahim xabeeb nuur oo isu soo taagay xilka madaxweynaha maamulka gobolada hiiraan iyo shabeelada dhaxe ayaa manta soo gaaray Magaalada Baledweyne Xarunta Gobolka Hiiraaan waxaana garoonka diyaarada Ugaas qaliif kusoo dhaweyey xumna kamid ah maamulka Gobolka Ururka dhalinyarda odayaal iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha Magaalada B.weyne.

Soo dhaweyn kadib musharaxa madaxweynaha labada gobol ibraahim xabeeb nuur iyo xumnihii la socday oo loo soo galbiyaya gudaha magaalada ayaa xarunta maamulka Gobolka kulan kula qaatay gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Ex-Xildhibaan ibraahim xabeeb nuur oo intaasi kadib la hadlay warbaahinta ayaa ugu horeyn u mahad celiyay dadkii soo dhaweyay waxana uu shegay mu sharaxa inuu u taagan yahay qabashada xilka madaxtinimo ee Maamulka Hiiraan iyo shabelaha Dhexe.

‘’Waxa farxad ii ah inaan soo gaaro Baledweyne oo ah halkii aan ku dhashay sidaad ogtihiin waxa u taaganahay ama aan musharax u ahay Jagada madaxweynenimo ee maamulka loo dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe waxana rajeynayaa inaan ku gelesta xilkaasi sidaasi waxa yiri musharax ibraahim xabeeb nuur.

Musharax  ibraahim xabeeb nuur ayaa noqonaya musharaxii labaad ee isku soo taago xilka madaxweynenimo ee Maamul Goboledka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe isla markaana soo gaaray Magaalaada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan .

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Sawir Qaade:-Cabdi Wali Xuseen Tawakal

Radio Hiranweyn Magaalada B/weyne