{DAAWO SAWIRADA} Raila Odinga Oo Lacag Ugu Deeqay Qoyska Haweeneydii Mandheera Lagu Dilay

0
315

Raila Odinga R/wasaarihii hore ee dalka Kenya ahna Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya oo ay wehlinayeen Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada Kenya iyo Mucaaradka dalkaasi ayaa booqday qooyskii dhawaan laga dilay Isniina Muuse Shiikh taasi oo dilkeeda uu ka dhacay magaalada Mandheera.

Raila Odinga oo diyaarad gaar ah u kireystay in qoyskaasi uu lasoo wadaago murugta dilka Hooyadooda ayaa waxa uu sheegay inuu ugu deeqaayo lacag dhan 100 kun oo lacagta Kenya ah.

Odinga waxa uu sheegay in Xisbigiisa uu ka warqabi doono xaalada Qoyska ay marxuumadaasi ka geeriyootay.

Dilka haweynaydan ayaa aad loo cabaareeyay iyadoo dilkeeda lagu eedeeyay laamaha amniga ee Kenya.

Raila Raila.3jpg Raila.2jpg Raila.1jpg