{DAAWO SAWIRADA} Shirkii Ka Furmay Magaalada B.weyne Iyo Qodobadii Looga Hadlay

1
449
????????????????????????????????????

Shirka samodoon 2 oo manta ka furmay Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kaa oo ku baaqay  Ugaas c.raxmaan ugaas khaliif ayaa waxa  ka soo qeyb galay xildhibaano  ka tirsan baarlamaanka Somalia  maamulka Gobolka Hiiraan saraakiisha ciidamada AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee bulshada B/weyne ee xarunra gobolka hiiraan.

Shirka Samadoon waxa si rasmi ah u furay ugaas c.raxmaan ugaas khaliif waxana  looga hadlayaa aayaha Gobolka dhaqanka iyo siyaasada iyadoo qudbada kala duwan ka jediyen masuuliyiintii iyo dadkii ka soo qeyb galay.

Ugaas cabdi raxmaan ugaas qaliif oo ugu horeyn  shirka k hadlay  ayaa sheegey in loo baahan yahay in laga shaqeeyo hormarka gobolka waxaana sheegey in hada diirada la saarayo garoonka diyaaradaha ugaas qaliif ee uu sheegey in mararka qaar uu u xirmo dayactir la,aan gaar ahaana xili roobaadka .

Cali nuur oo kamid ah ganacsatada gobolka hiiraan ayaa ka sheegeyey mar xaladihii uu ku soo shaqeeyey garoonka diyaarada ugaas qaliif waxaa uuna ugu baaqay dhamaan ganacsatada reer hiiraan qurba joogta maamulka ciidamada amison in ay ka  qeyb qaatan side garoonkaasi loo dayactire lahaa.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay qaar kamid ah golaha odoyasha dhaqanka waxa ayna si diiran usoo dhaweeyen shirka sama doon 2 oo manta ka furmay magaalada b,weyne.

Taliyaha ciidamada amisom col cismaan dubad ayaa dhankiisa soo dhaweyey shirka manta furmay waxaa uuna balan qaaday in ka amisom ahaan ay kaalin tooda ay ka qaadan doonan waxii hormar u ah gobolka hiiraan ama shacabka ku dhaqan gobolka .

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo gudi ka socda wasaarada arimaha gudaha ayaa sidoo kale shirka qeyb galay waxa ayna sheegeen  in shirkaan uu yahay talaabo hormar leh ee horay loo qaaday.

Godoomiyaha maamulka gobolka hiiraan yuusuf axmed hagar ayaa ugu mahad cileyey ugaas qaliif howsha wanagsan ee uu gobolka ka wado waxa uu tilamaamay in shirka uu si dhow ula socon doono shirka samadoon 2 oo ka furmay b.weyne

Shirka ayaa lagu wada in gabagabada laga soo saaro qudobo muhiim ah oo ku saabsan hormarka Gobolka dhaqanka iyo siyaasada guud ee gobolka Hiiraan.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Comments are closed.