{DAAWO SAWIRADA} sida shacabka reer Kismaayo ay ugu damaashaadaan Xeebaha magaalada

0
718

Waxaa dib usoo hogaagaaya amaanka iyo bilicda magaalada Kismaayo waxaana dhowr sano kadib dib u bilaabaneysa dalxiiska Xeebta Kismaayo xiliyada Khamiista iyo Jimcaha.

Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayaa waxaa Xeebta u damaashaat taga Boqolaal shacab, inkastoo dadka xeebahaasi u damaashaat tagaaya ayaan tiro ahaa u dhigmin kuwa u damaashaat taga Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dadka damaashaadka utaga Xeebaha Kismaayo ayaa waxa ay u badan yihiin Dhalinyaro iyo Carruur kuwaasi oo kubad ku dheela xeebta kadibna u gudagala dabaashooda.