{DAAWO SAWIRADA} Taliyihii Ciidamada AMISOM Oo Waqtigiisu Dhamaaday Kana Duulay Muqdisho

0
361

Taliyihiin ciidamada Midowga Afirka ee Somalia [AMISOM], Jen. Jonathan Rono ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho kaddib markii uu dhameystay xilligii howsha hoggaaminta AMISOM oo ahayd muddo 15-bilood.

Jen. Rono ayaa waxaa sagootiyay cutubyo ka tirsan ciidamada Midowga Afirka ee Somalia oo ay ka dhex-muuqdeen taliye ku xigeenka qorsheynta AMISOM, Jen. Mohammedesha Zeyinu oo si KMG ah u sii wadi doona howsha hoggaaminta AMISOM inta taliye cusub la soo magacaabayo iyo Taliya Qaybta koowaad ee AMISOM, Brig. Sam Okiding.

Ciidamada AMISOM ayaa taliyaha shaqadiisu dhamaatay ku ammaanay sidii uu 22,000 ee askari ee ay ka kooban yihiin ciidamada AMISOM u soo hoggaamiayay muddadii uu xilka hayay.

Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Caetano Jose Madeira ayaa uga mahadceliyay Jen. Rono howshii adkayd ee uu qabtay intii hoggaanka uu u hayay ciidanka AMISOM.

Sidoo kale, Danjire Madeira ayaa ku tilmaamay Jen. Rono inuu ahaa mas’uul ka soo qayb-qaatay howlaha lagu doonayo in Somalia lagu xasiliyo, uuna hormuud u ahaa guulo badan oo laga gaaray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Jen. Jonathan Rono ayaa waxaa xilka hoggaanka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM loo magacaabay bishii September ee sannadkii 2014-kii, xilligaasoo ay Somalia ka socdeen dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda Somalia oo garab ka helaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Geesta kale, Jen. Rono ayaa sheegay in guusha la gaaray intii uu xilka hayay ay sabab u ahayd howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya, ayna deegaanno badan ka saareen kooxda Al-shabaab.

Taliyaha howshiisa dhameystay ayaa sheegay in Somalia uu uga tagayo rajo wanaagsan oo ah in laga guuleysan doono Al-shabaab. Wuxuuna ka dalbaday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay xoojiyaan taageeradooda Soomaaliya si looga miro-dhaliyo howsha lagu doonayo in Somalia lagu nabadeeyo.

Taliyihii Ciidamada AMISOM.1jpg Taliyihii Ciidamada AMISOM.2jpg Taliyihii Ciidamada AMISOM.3jpg Taliyihii Ciidamada AMISOM.4jpg Taliyihii Ciidamada AMISOM.5jpg Taliyihii Ciidamada AMISOM.6jpg Taliyihii Ciidamada AMISOM.7jpg Taliyihii Ciidamada AMISOM