{DAAWO SAWIRADA} Todoba Sana Kadib Isbitaalkii Magaalada Bullo burte Oo Dib Loo Howlgaliyay

0
378

Mudo dheer kadib waxaa did lo howlgiliyaya isbitaalka dagmada bullo burte ee gobolka hiran kaas oo mudo kabadan 7 sano aan wax shaqo ah qabanin waxana dib u howlgalinta isbitaalka ka qeyb qaatay jaaliyada reer bullo burte iyo ciidamada jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Agaasimaha Isbitaalka dagmada Bullo burte Ee Gobolka Hiiraan  Yusuf isaaq muumin Xagar oo la hadlay iadaacada Hiiraanweyn ee magaalada b.weyne ayaa Faah faahin Kabixiyay waqtiga dib lofuray isbitaalka iyo tirade bukanada soo gaartay isbitaalka tan iyo markii u shaqao bilabay isbitaalka isagona shegay in ay jiraan bukaana badan lasoo gaarsiyay isbitaalka,

Dr Cabdi raxmaan Muse Bulaale  oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada AMISOM gaar ahaan Kuwa Jabuuti ayaa hiiraanweyn u xaqiijiyayin ay ka qeyb qaateen  dib u howlgilinta isbitaalka bullo burte ee gobolka hiiraan oo muda kabadan 7 aan wax adeeg Caafimaad ah qabanin,

Kalkaaliso Muxubo Haraay oo mudo 45 sano ah ka shaqeyn jirtay isbitaalka bullo burte ee gobolka hiiraan xiligan  kamid ah  howlwadenada caafimaadka isbitaalka bullo burte ayaa idaacada hiiraanweyn u shegtay in dadka ugu badan laga keno dhulka miyiga ah ee hosyimada degmadaasi,

Dib u howlgilinta  isbitaalka Dagmada  bullo burte  waxaa gacan weyn ka geysatay jaaliyada  Reer hiiraan kuwaas oo sura giliyay  in isbitaalka u dib u shaqeeyo sida ay Hiiraanweyn u Shegtay haboon maxamuud axmed oo kamid ah howlwadenada Caafimaad Ee  Isbitaalka degmada bullo burte,

In kastoo dib loo furay isbitaalkii ay lahed degmada bullo butre hadana waxa jira baahiya xiligan kajiro isbitaalka sida korontada iyo adeegya kale sida ay hiiraanweyn u shegtay leylo sey ruuq oo kamid ah shaqalaha isbitaalka Bullo burte,

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Dagmada Bullo burte Cabdi casiis Duroow ayaa Radio hiiraanweyn waxa uu shegay inta aan la furin isbitaalka dagmada Bullo burte in ay jireen dad badan oo caafimaad daro ugu geeriyoday dagmada bullo burte iyo degaana hosyimaada degmadaasi,

Furitaanka Isbitaalka magaalada bullo burte ayaa waxa siweyn u soo dhaweyay shacanka ku dhaqan bullo burte iyo degaanada hoosyimaada waxa ayna shegen inuu wax badan ka qaban doona dhibaatoyinka caafimaad eek a jira degmadaasi,

Isbitaalka Bullo burte (7) Isbitaalka Bullo burte (8) Isbitaalka Bullo burte (10) Isbitaalka Bullo burte (11) Isbitaalka Bullo burte (12) Isbitaalka Bullo burte (9) Isbitaalka Bullo burte (14) Isbitaalka Bullo burte (16) Isbitaalka Bullo burte (18) Isbitaalka Bullo burte (1) Isbitaalka Bullo burte (17) Isbitaalka Bullo burte (15) Isbitaalka Bullo burte (13) Isbitaalka Bullo burte (6) Isbitaalka Bullo burte (5) Isbitaalka Bullo burte (4) Isbitaalka Bullo burte (3) Isbitaalka Bullo burte (2)

Sawir Qaade:-Maxamed Cismaan Makaraan

Radio Hiiraanweyn Magaalada Bullo burte