{DAAWO SAWIRADA} Ugaas C.raxmaan iyo Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan Oo Ka Hadlay Colaada Gaalkacyo

0
362

Colaada ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobalka Mudug ay sii galeysa Todobaadkii sadaxaad  ayaa shir ay Magaalada Baledweyne ku Qabteen Duubabka dhaqanka waxgaradka iyo Culimaaudiinka Gobalka Hiiraan waxaa ay ugu baaqeen dhinacyaha lugta ku leh Colaada in ay u Naxaan Dadka Shacabka ee itaalka daran.

Odayaashii iyo Waxgaradkii Kulanka ka hadlay ayaa waxa laga xumaada ku tilmaamay Colaada gaalkacyo waxa ayna ugu baaqen dhinacyada isku haya in ka waantobaan dirirta iyaga oo egaya dadka maatada ah ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

‘’Waxa lenahay dadka hurinaya colaada iska daaya dagaal wiil kuma dhasho ee wiil ayaa ku dhinta waxa fiirisaan wiilka dhimanaya gabadha asaaga qaadeyso hooyada dhibaatoneysa hantida burbureysa maatada barakaceysa kama damqaneysaan miyaa dhiiga daadanaya’sidaasi waxa yiri nabadoonadii kulanka ka hadlay.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa ugu  baaqay dhinacyada Colaada hurinaaya in shacabku aanu ka istaahilin in Xabad lagu Maaamulo waxaana uu sidoo kale uu ugu baaqay Duubabka Somalida in ay isu taagaan gudashada Waajibka ka saran xalinta Colaada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn ugaas C/raxmaan ugaas qaliif ugaas rooble waxa uu  sheegay in Colaada Soomaaliya ay sii jiri doonto inta lagu howlan yahay hirgalinta nidaamka federaalka isla markaana ay gaari karto degaana kale oo ka tirsan Dalka.

Laba iyo labaatankii bishii aynu kasoo gudubnay ayeey aheyd markii ay bilaabatay colaada ka taagan magaalada gaalkacyo in kasto ay jiraan heshiisya labada dhinac ay ku gaaren gaalkacyo balse heshiisyadaasi ayaa noqon kuwa lagu guulesta.

Odayaasha Gobalka Hiiraan (1) Odayaasha Gobalka Hiiraan (2) Odayaasha Gobalka Hiiraan (3) Odayaasha Gobalka Hiiraan (4) Odayaasha Gobalka Hiiraan (5) Odayaasha Gobalka Hiiraan (6) Odayaasha Gobalka Hiiraan (7) Odayaasha Gobalka Hiiraan (8) Odayaasha Gobalka Hiiraan (9)  Odayaasha Gobalka Hiiraan (18)Odayaasha Gobalka Hiiraan (11) Odayaasha Gobalka Hiiraan (12) Odayaasha Gobalka Hiiraan (13) Odayaasha Gobalka Hiiraan (14) Odayaasha Gobalka Hiiraan (15) Odayaasha Gobalka Hiiraan (16) Odayaasha Gobalka Hiiraan (17)

SAWIR:- By Cabdi Wali Xuseen Tawakal: