{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka gaashaandhiga oo sheegey in gudi loo saarayo weerarkii ciidamada AMISOM ay ku qaaden kaluumeysto soomaliyed

0
407

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo weheliyo Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Admiral Madey Nuurey Sheekh Ufurow ayaa galabta ku booqday xeebta Liido dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay rasaas ku fureen Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM, kadib markii ay ku soo dhawaadeen xeebta garoonka .

Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey saddex doomood oo ay leeyihiin Kaluumeysatada kuwaas oo ka muuqdeen rasaas, wuxuna sheegay Wasiirku in guddi baaritaan ku sameeya loo saaray. Isagoo dhinaca kale uga digay Kaluumeysatada Soomaaliyeed in ay xiliyada habeenkii ah ku dhawaadaan garoonka iyo Dekadda Muqdisho kuwaasi oo dhibaato ka soo gaari karto.

Wasiir Diini ayaa tilmaamay in laga doonayo cid walba oo kaluumeysi u aadeysa xiliyada habeenkii ah Xeebaha Muqdisho in ay wargeliyaan Ciidamadda Badda iyo Boolis si loola socdo haddii ay la kulmaan khatar dhinaca ammaanka ah si gurmadna loogu fidyo.

diinn ddiine diie 2 diien 3 diine 1