{DAAWO SAWIRO} laga soo qaaday Goobihii ay ku dhaceen Madaafiicdii maanta la isku dhaafsaday Dagaalka Gaalkacyo

0
465

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa manta mar kale ka dhacay dagaal culus oo la isku dhaafsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka bar bar socday madaafiic culus ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

Madaafiicda qaarkood ayaa ku dhacaysay goobo ka baxsan furumaha hore ee Dagaalka ka socday, waxaana mdaafiicda maanta la isku dhaafsaday dagaalka Gaalkacyo ay qasaaro u geesatay goobo ganacsi iyo Hoteelo kuyaala Magaaladaasi.

Sawiro laga soo qaaday Magaalada Gaalkacyo ayaa muujinaya bur burka ka dhashay madaafiicda maanta ay is dhaafsadeen Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntilamd, waxaana wali magaalada ka socda Dagaal u dhaxeeya labada dhinac.

Wali si ramsi ah looma hayo Qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee kasoo gaaray dadka shacabka dagaalka iyo Duqeymaha ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, waxaaan dagaalka maanta qarxay labada maamul uu midba kan kale ku eedeeyay masuuliyadiisa.

QARAXX QARAX 1 QARAX 2 QARAX 3 QARAX 4