Dadka Boosaaso oo looga digay Ajaanibta inay guryaha ka kireeyaan Kadib Markii,,

0
328

Taliska Booliska Puntland, ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari kaga digay, in ay guryaha ka kireeyaan dadka Ajaaniibta ah, ee yimaada Magaalada.

General C/risaaq Maxamed Yuusuf (Afgaduud), Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, oo kormeer ku soo maray qaar ka mid ah xaafadaha Boosaaso, ayaa sheegay in Ajaaniibta ay siyaabooyin kala duwan u yimaadaan Boosaaso.
“Dad badan oo Ajaaniib ah baa siyaabooyin kala duwan u yimaada Magaaladala Boosaaso. Qaarkood waxay u yimaadaan in ay ka sii tahriibaan, qaarka kalana waxay u yimaadaan ujeedooyin kala duwan.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha oo ka soo muuqday Warbaahinta, ayaa sheegay in Ajaaniibta ay badankoodu ka yimaadaan wadamada deriska la ah Somaliya, iyadoona uu ku eedeeyay inaysan nadaafadda deegaanka ka shaqayn.
“Ajaaniibtan oo intoodu badan ka yimaada dalalka deriska nala ah, ayaa nadaafad darro ku soo kordhiyay Magaalada, waxayna qalqal-gelin karaan ammaanka.” Ayuu yiri Taliyaha.
General Afgaduud, ayaa wuxuu shacabka ku dhaqan Magaalada Boosaaso uu ugu yeeray inaysan guryahooda ka kiraynin Ajaaniibta, aanay aqoonta u lahayn.
“Dadka nabadda jecel ee degan Boosaaso waxaa laga rabaa dadka Ajaaniibta ah ee aanay garanayn inaysan guryahooda ka kiraynin.” Ayuu yiri General Afgaduud.

boosaaso