Dagaal Sababay Dhimasho Iyo Dhawac Oo Manta Ka dhacay Duleedka Magalada Baladweyne Kadib Markii,,

0
323

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in iskahorimaad hubeysan uu ku dhex maray ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM  iyo ciidamo Alshabaab ah deegaanka Baar oo dhinaca Galbeed 20km kaga beegan magaalada Beledweyne.

Iskahorimaadkan ayaa ka dhashay kadib markii Xarakada Alshabaab ay saaka wadada u galeen  kolonyo gaadiid ah oo sahay u waday deegaanka Ceel Cali dagmada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka tirsan dowlada oo u waramayay  ayaa Radio Hiranweyn U sheegay in ay ka dileen illaa iyo toban dagaalyahan oo kamid ahaa kuwii wadada u galay ayna si sahlan ugaga gudbeen jidgooyadii ay dhigteen.

Hase yeeshee ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay ururka Alshabaab ee la xiriira iska horimaadan.

Rasaasta la isweydaarsanayay iskahorimaadkan ayaa laga maqlayay deegaano ka fogfog halka uu dagaalku ka dhacay