Dagaalyahano ka tirsan Xoogaga Al-Shabaab oo gudaha u galay Dalka Kenya

0
330

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe gudaha u galay deegaan lagu magacaabo Kambere oo qiyaastii 15-km u jira magaalada Gaarisa, iyadoo boqolaal ciidamo ka tirsan Milateriga Kenya la soo dhoobay xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka Al-Shabaab ayaa markii labaad todobaad gudihiis gudaha u galay deegaan ka tirsan gobolka waqooyi bari Kenya, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada ay aad u hubeysan yihiin, dadkana ay u wacdinayaan.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay gudaha u galeen ka taagay calan madow, sidoo kale waxay dadka uga digayeen inay la shaqeeyaan ciidamada Kenya, isla markaana aanay u sheegin inay joogaan.

Saraakiisha ammaanka gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ka soo gudbeen xuduuda, isla markaana ay wadaan howl gallo lagu baadigoobayo dagaalyahanada alshabaab ee xuduuda ka soo gudbay.

Xiriiriyaha Gobolka waqooyi bari Kenya Maxamuud ayaa sheegay inay adag tahay in la sugo amniga deegaanada, isla markaana wadooyinka qaar ay roobabka gooyeen.

Si kastaba ha ahaatee dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab ka wadeen gudaha Kenya ayaa ahaa mid sii xoogeysanayay todobaadyadii la soo dhaafay.